Tirada Somalida ku dhintay shilkii Diyaaradeed ee dalka Itoobiya oo gaartay 7 ruux

0
633

Tirada Somalida ku dhintay shilkii Diyaaradeed ee dalka Itoobiya oo gaartay 7 ruux

Tirada Dadka Soomaalida ah ee ku dhintay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya ayaa kordhay,waxaana ay ilaa hadda mareysaa 7 Qof.

Shilkaas dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa C/Shakuur shahaad oo ka mid ahaa Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa kale oo shilkaas dadka Soomaalida ahaa ee ku dhintay ka mid ahaa Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay dhimashada Sahro Siciid Xasan iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/Qaadir oo heystay dhalashada Dalka Uk, taas oo tirada Soomaalida ee ilaa hadda lahaayo ka dhigeysa 7 Qof.

Waxaa kale oo shilkaas ku geeriyooday Amina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda Safiya Faysal oo iyaguna haystay Dhalashada Dalka Canada.

Sidoo kale waxaa ku dhintay diyaaraddaas Axmed Nuur Maxamuud oo ahaa Sarkaalka Diyaaradda Ethiopian Airlines oo haystay dhalashada dalka Itoobiya kana mid ahaa shaqaalaha Diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here