Madaxweynaha Nigeria oo hoggaanka u haya natiijooyinka doorashada

0
665

Madaxweynaha Nigeria oo hoggaanka u haya natiijooyinka doorashada

Madaxweyne Muxamaduu Buhari ayaa ilaa iyo hadda hogaaminaya natiijada codadka la tiriyay ee doorashada guud ee dalka Nigeria, waxa uuna ku guuleystay codadka afar ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.

Mr Buhari ayaa ku guuleystay naatijada doorashada ee laba gobol oo ku yaalla koonfuur galbeed iyo mid ka mid ah gobollada ku yaala bariga dalkaasi, halka ninka ay aadka isu hayaan ee Atiku uu ku guulesyaty natiijada caasimadda Abuja.

Iyadoo natiijooyinka doorashada ay iska soo deba dhacayaan ayaa xisbiga Mr Abubakar ee People’s Democratic Party (PDP) waxa ay sheegeen in wax isdeba marin lagu sameeyay doorashada.

Gudoomiyaha xisbigaasi Uche Secondus ayaa tirinta codadka ku tilmaamay “mid aan sax ahayn oo aan la aqbali karin”.

Waxa uu ku andacooday inay jirtay isku dey dowladda iyo hay’addo kale ay ku doonayeen in “natiijada laga been sheego”, balse wax caddeyn ah uma hayn arrinkaasi.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood walaac ka muujiyay dib u dhaca iyo habka farsamada ee doorashada balse ilaa iyo haatan ma ay jirto cid ka mid ah guddiga korjoogtada madaxa banaan oo sheegtay in doorashada lagu shubtay.

 

Shacabka dalka Nigeria ayaa ka warsugaya natiijadda doorashada dalkaasiLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShacabka dalka Nigeria ayaa ka warsugaya natiijadda doorashada dalkaasi

Labada xisbi ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu la shaqeynayo guddiga doorashada ee loo soo gaabiyo (INEC) si galaangal uu ugu yeesho natiijada doorashada. Hase ahaate labadan xisbiba ma aysan soo bandhigin wax cadeyn ah oo ay ku taagerayaan sheegashadooda.

Mr Buhari oo ka tirsan xisbiga All Progressives Congress (APC), ayaa mar labaad doonaya in uu qabto talada dalkaasi basle waxaa uu tartan adag kala kulmayaa Mr Abubakar.

Doorashada madaxtinimada waxaa isu diiwaangeliyay 73 musharax, hasayeeshee ololaheeda waxaa ku gacansarreeyay Madaxweyne Muxamaduu Buhari oo 76-jir ah, iyo ninka ay aadka isku hayaan, Madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Atiku Abubakar, oo 72-jir ah.

Mr Buhari ayaa sheegaya inuu dhidibo adag u taagay sidii barwaaqo lagu gaari lahaa, hasayeeshee ninka ay is-hayaan ayaa sheegaya in Nigeria aanay howlba ka socon.

Labada ninba waxa ay ka soo jeedaan waqooyiga dalka halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Halka labadooduba ay ku jiraan da’da 70-tameeyada, ayaa in ka badan kala bar 84 milyan ee isu diiwaangelisay doorashada Nigeria ay da’doodu ka hoosayso 35 sanadood.

Tirada codbixiyayaasha goobaha codeynta iyo musharaxiinta

.84 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in doorashada ay ka qayb qaataan.

.51% ka mid ah codbixiyayaashan ayaa waxay da’dooda ka hooseysaa 35

.Waxaa doorashada ka qayb qaadanaya 73 musharax madaxwayne

.Waxa ay dadka codadkooda ka dhiiban doonaan 120,000 ah goobaha codeynta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here