Booliska Puntland oo dad u soo xiray gabar 12 sano jir eheyd oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

0
917

Booliska Puntland oo dad u soo xiray gabar 12 sano jir eheyd oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo argagax leh oo ka dhacday Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo loo geystay gabar yar oo 12 sano jir eheyd.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyes Aadan, ayaa meydkeeda lasoo dhigay banaanka Gurigooda  oo ku yaalla waqooyiga magaaladda Gaalkacyo, wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Gabadha loo geystay Kufsi iyo Jirdil kahor inta aan la dilin.

Caasho waxaa la sheegay in tan iyo Axadii shalay ay ka maqaneyd gurigooda, waxeyna ku maqneyd goob lagu iibiyo Hilibka oo ay u dirsatay hooyadeed, iyadoo la tuhunsan yahay in Koox hubeysan ay Afduubteen, xili ay ku soo wajahneyd gurigooda.

Meydka Caasho Ilyes Aadan oo la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu sameeyay baartaano, waxeyna Saraakiisha Caafimaadka ay xaqiijiyeen jiritaanka in Kufsi loo geystay Gabadha aadka u yar.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka carooday falkaasi, ayaa laamaha amaanka faray iney si deg deg ah uga Jawaabaan falkaasi, ayna tilaabo cad ka qaadaan danbiilayaashii falkaasi ku kacay.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug qeybta Puntland Gaashaanle Sare Axmed Cismaan Cali, ayaa Warbaahinta u sheegay iney dhalinyaro u hayaan Kiiska kufsiga, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigo dhamaan Raggii falkaasi geystay.

Dadka ku lugta yeesha dilka gabadha 12 sano jirka ah, ayuu sheegay iney Cadaalada hor geyn doonaan, isagoo digniin u diray Waalidiinta iney magaalka ka saaraan caruurtooda falkaasi wax ka maleegay.

Dadka Gaalkacyo ayaa si weyn uga caroodey falalka caynkan oo kale ah ee magaalada ka dhacay iyada oo dhawaan sidaan oo kale gabdho kufsi loogu geystey isla magaalada, waxaana dadka qaarkiis isugu soo baxeen banaanka iyaga oo dalbanaya in degdeg talaabo loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here