Qaramada Midoobay oo sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay aad sare ugu kacday 2018

0
630

Qaramada Midoobay oo sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay aad sare ugu kacday 2018

Dad badan oo rayid ah ayaa sanadkii la soo dhaafay lagu dilay dalka Afgaanistaan sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Sanadkii tegay ee 2018kii, waxaa dhintay 3,804 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur gaaraysa 927.

Waa tiradii ugu badnayd ee la diwaangeliyay tan iyo dagaalkii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi.

Dagaalka Afgaanistaan ayaa bilowday kaddib markii uu bilowday olole ciiidammada Mareykana ay hogaaminyeen oo looga gol lahaa in meesha loogaga saaro ururka Taaliban kaddib weerarradii 11kii Sibteembar ee sanadkii 2001.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDagaalka Afgaanistaan ayaa bilowday kaddib markii uu bilowday olole ciiidammada Mareykana ay hogaaminyeen oo looga gol lahaa in meesha loogaga saaro ururka Taaliban kaddib weerarradii 11kii Sibteembar ee sanadkii 2001.

Dagaalka Afgaanistaan ayaa bilowday kaddib markii uu bilowday olole ciiidammada Mareykana ay hogaaminyeen oo looga gol lahaa in meesha loogaga saaro ururka Taaliban kaddib weerarradii 11kii Sibteembar ee sanadkii 2001.

Waxayna warbixintaan ku soo beegmeeysaa maalin un ka hor iyadoo loo balansan yahay wajigii labaad ee wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka daashaday Afgaanistaan.

Eregyga gaarka ee Mareyknaka u qaabilsan wadahadallada Afgaanistaan ayaa Isniinta lagu wadaa inuu dalka Qatar kula kulmo saraakiisha Taalibaan u qaabilsan wadahadallada.

Ilo wareedyo dhanka Taalibaan ah ayaa BBC-da uu sheegay in mid ka mid ah aasaayaasha ururka uu haatan u safrayo Qatar.

Dadka wax falanqeeya ayaa soo jeedinaya in wadahadallada laga qeyb galiyo Mullah Abdul Ghani Baradar, waxa ayna aaminsan yihiin in gacan weyn uu ka gaysan karo in heshiis waara laga gaaro dagaalka Afgaanistaan.

Mullah Baradar ayaa xilil kala duwan ka soo qabtay Taalibaan ka hor inta uusan maamulka Pakistan xabsiga dhigin sanadkii 2010-kii.

Sanadkii hore ayaana xabsiga laga soo daayay, kadibna waxaa mas’uul looga dhigay xafiiska Taalibaan ee dalka Qatar.

ciddamada Maraykanka ee AfghanistanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionciddamada Maraykanka ee Afghanistan

Waa maxay rajada laga qabo wadahadalka nabadda?

Wadahadallada nabadda ee u dhaxeeyay ururka Taalibaan iyo dowladda Mareykanka ayaa ahaa kuwa si xowli ah ku socday, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu dalkaasi ka soo saaro ciidammadiisa oo garaaya ilaa 14 kun.

Wadahadaladan oo bishii Janaayo magaalada Dooxa ee dalka Qatar uga socday muddo 6 maalmood ah saraakiil ka socotay Mareykanka iyo Taalibaan ayaa waxa la sheegay in labada dhinacba ay ka go’an tahay in colaadda la soo afjaro.

Dagaalka Afgaanistaan ayaa qaatay muddo 17 sano ah.

Ururka Taalibaan ayaa waxa uu diiday inuu wax wadahadal ah la galo dowladda Afgaanistaan, waxa uuna taa badalkeeda door biday in wadahadal toos ah uu la galo dowladda Mareykanka.

Taalibaan ayaa mar walba diidda in ay la kumaan dowladda Afgaanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka.

Diidmada Taalibaan ee ah inay la kumaan dowladda Afgaanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay inuu ergo u diri doono kulanka Taalibaan.

Wareegii hore ee wadahadallada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taalibaan diideen inay la kulmaan dowladda Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here