Madaxweyne Farmaajo oo socdaal ku gaaray dalka Burundi+SAWIRO

0
582

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal ku gaaray dalka Burundi+SAWIRO

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goordhow gaaray Caasimada dalka Burundi, waxaana garoonka diyaarada  Bujumbuura kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaas Pierre Nkurunziza.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa maanta waxaa uga bilaabatay dalka Burundi booqasho kooban, iyadoo ay tahay markii u horeysay oo uu gaaro wadankaas oo ah dalka 2-aad ee iskaleh Ciidanka ugu badan ee Amisom ee ku sugan dalkan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa garoonka diyaaradaha uga hortagay Madaxweyne Pierre Nkurunziza, iyadoo intaasi kadibna loo galbiyay xarunta Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne waxa ay yeesheen kulan kooban, iyadoo kulan balaaran lagu balamay kaasoo looga arinsan doono xiririka labada dal iyo qorshaha lagu dhimayo Ciidanka Amisom.

Midowga Afrika ayaa isku raacay in dhamaadka bishan Soomaaliya lagu saaro 1,000 askari oo u dhashay dalka Burundi oo qeyb ka ah Amisom, waxaana laga qaaday deegaanada Sh.dhexe, taasoo ay walaac ka muujiyeen madaxda Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here