Danjire Tarsan oo Muqdisho soo gaaray kadib markii Kenya ku amartay dalkeeda inuu ka baxo

0
482

Danjire Tarsan oo Muqdisho soo gaaray kadib markii Kenya ku amartay dalkeeda inuu ka baxo

Danjiraha Somaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Kenya ay ka soo eriday dalkeeda.

Kenya ayaa xiriirka dhanka Diplumaasiyadda u jartay Somaliya, kadib markii sida ay sheegtay Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau aya sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.

“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda.”

Diyaarada uu la socday Tarsan, ayaa waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaanan wali arrintaan ka hadlin, sidoo kalena ma jirto tallaabo muuqata oo Dowladda Somaliya ay qaaday, marka la eego hab dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya ay la soo baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here