Xildhibaanada Puntland oo isku raacay Wasiirada cusub in loo ansixiyo qaab wadar ah

0
583

Xildhibaanada Puntland oo isku raacay Wasiirada cusub in loo ansixiyo qaab wadar ah

Golaha Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Garowe, waxa ay kaga hadleen qaabka loo ansixin doono Golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqi doono.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa qodobkan, waxayna Xildhibaanada intooda badan isku raaceen in Golaha Wasiirada Puntland si wadar ah in loo ansixiyo.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa ku sugnaa 53 Xildhibaan 26 ayaa waxa ay u codeysay in Wasiirada cusub wadajir loogu ansixiyo, halka 24 Xildhibaan ay diideen, saddexna ay ka aamuseen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo ayaa fadhiga Baarlamaanka ka sheegay in Wasiirada lagu ansixin doono qaab wadar ah, maadaama sidaasi Xildhibaanada ay u codeeyeen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad ah ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada cusub kuwaas oo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here