Xaalada CaafimaDEG DEG : Xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Trump Oo War Cusub Laga Soo Saareyad Ee Madaxweyne Trump Oo War Cusub Laga Soo Saarey

0
521

DEG DEG : Xaalada Caafimaad Ee Madaxweyne Trump Oo War Cusub Laga Soo Saarey

Dhakhtarka Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, kadib markii lagu sameeyey baadhitaan caafimaad oo qaatay muddo afar saacadood ah.

Sean Conley ayaa intaas raaciyey: ” Waxaan filayaa in uu sidaas iyo si ka sii wanaagsan ahaan doono inta uu xilka hayo iyo wixii ka dambeeyaba”

Dr Conley iyo 11 kale oo xeeldheereyaal caafimaad ah ayaa madaxweynaha marsiiyey baadhitaano xiriir ah xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Washington.

Mr Trump, oo 72 jir ah ayaa horay looga dalbaday in uu iska dhimo 4.5kg oo miisaan ah mana jirto caddayn muujinaysa in uu sidaas sameeyey.

Sida lagasoo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters, kaaliyeyaasha aqalka Cad ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu haatan cuno kalluun xad dhaaf ah oo aan horay looga baran.

Hase ahaatee sida laga soo xigtay Afhayeen katirsan Aqalka Cad oo lagu magacaabo, Hogan Gidley, waxaa uu sheegay in Mr Trump uu qirtay in aanu raacin hab nololeedka cuntooyinka loogu tala galay iyo in aanu samayn jimicsigii loo qorsheeyey.

Majirto faahfaahin intaas dheer oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha.

Baadhitaankii guud ee ugu horreeyey ee lagu sameeyey intii uu xilka hayey, ee dhacay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in miisaankiisu uu yahay 108kg iyo in uu jiro xanuunka cholesterol-ka lagu magacaabo oo ka sarreeya intii lagu taliyey.

Mr Trump ayaa horay u qaadan jiray daawooyin la xiriira caafimaadka wadnaha iyo kuwo loo isticmaalo ka hortagga cholesterol-ka.

Jirka Mr Trump ayaa muujinaya miisaan xad dhaaf ah hase ahaatee maahan Cayil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here