Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa, maalin kaddib sanad-guuradii labaad ee doorashadiisa

0
577

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa, maalin kaddib sanad-guuradii labaad ee doorashadiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah.

Mas’uuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa ayaa yimid maalin kaddib markii Madaxweyne Farmaajo labo sano u buuxsantay doorashadii 8 February ee sanadkii 2017, waxaana la xusuustaa in Madaxweynaha markii uu ololaha ku jiray in Madaxdii ka horeysay uu ku dhaliilay safarada badan, hase ahaatee safarada uu galay mudada labada sano ee uu xafiiska joogo ayaa ka badan labadii sano ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here