Madaxweynaha Puntland oo hakiyay booqashadii loogu tagaayay Madaxtooyadda Garowe

0
552

Madaxweynaha Puntland oo hakiyay booqashadii loogu tagaayay Madaxtooyadda Garowe

Digreeto kasoo baxday xafiiska agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu hakiyay qaabilaadii iyo balamihii loo sameyn jiray dadka booqanaya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ilaa amar dambe.

Warqadda ayaa lagu wargeliyay agaasimayaasha madaxtooyada,golayaasha kala duwan ee dowlada iyo taliyaha ciidanka madaxtooyada ee Puntland in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku fuliyaan digreetadan.

Arintan ayaa u muuqata mid madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni uu ku xadidayo dhaqaaqa dadka doonaya in ay siyaabo kala duwan u booqdaan maadama dhawaan la rajaynayo in uu soo dhiso golaha xukuumadda cusub taasoo shakhsiyaad badan ay u hanqal taagayaan in ay kasoo dhex muuqdaan.

Tan & markii la doortay Madaxweynaha Puntland waxaa madaxtooyadda Puntland ku booqanaayay masuuliyiin kala duwan & shaqsiyaad doonaya inay ka soo dhex muuqdaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here