DEG DEG : Ninkii dilay Madaxii DP World ee Dekeda Boosaaso oo geeriyooday+SABABTA

0
1507

DEG DEG : Ninkii dilay Madaxii DP World ee Dekeda Boosaaso oo geeriyooday+SABABTA

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay fiidkii hore ee xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka ninkii shalay ku toogtay Madaxii Mashruuca DP World ee Dekeda Boosaaso.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka weyn ee Boosaaso ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ninka uu u geeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray rasaastii lagu dhuftay.

Ninka toogashada geystay oo da’diisa lagu qiyaasay 20 Sano jir ayaa magaciisa ku sheegay C/llaahi Maxamed Ibraahim.

“Waxaa lagu sameeyay qaliin lagaga saaray xabado kaga dhacay Barisa, Caloosha iyo Gacanta, waa lagu guul dareystay in la badbaadiyo, waloow dadaal badan lagu bixiyay, Abaare 8: 30 fiidnimo ayuu geeriyooday” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka oo magaciisa arrimo amni u qariyay.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo duubay ninka weerarka geystay, ayaa muujinaya dhaawaca daran ee ka soo gaaray 5 xabado oo lagu dhuftay, waxaana Su’aalo weydiinayay Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska, waxyaaba ugu badan ee ay weydiinayeen ayaa la xiriira magaciisa iyo halka uu ka yimid.

Inta badan Su’aalaha la weyiinayay ma uusan ka jawaabin xaaladiisa oo aad u cusleyd darteed.

Si kastaba Meydka Paul Anthony Fermosa ayaa lagu hayaa mid kamid ah qaboojiyayaasha meydka ee Isbitaalka Bosaso, iyadoo Saacadahada soo socdo la filayo in loo qaado wadanka Imaaraatka Carabta, ka dibna dalkiisa Malta.

Paul Anthony Fermosa oo u dhashay dalka Malta, ayaa waxaa uu dhashay sanandkii 1966, isagoo wax ku soo bartay dalka Malta oo uu u dhashay.

Bishii Augosto ee sannadkii 2017-ka, waxa uu ka shaqo bilaabay magaalada Bosaaso, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Bosaaso ee DP World, wuxuuna ka ahaa maareyaha dekedda.

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World, ayaa 12 October 2017 si toos ah ula wareegtay maamulka Dekadda Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here