Wasiirka Maaliyadda Dr Beyle oo la kulmay safiirka Britain ee Somaliya.

0
577

Wasiirka Maaliyadda Dr Beyle oo la kulmay safiirka Britain ee Somaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu dambeeyay ee xafiiska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda, wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya

“Waxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda, waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here