Hogaamiyaha Ururka Xamaas oo gaaray magaalada Qaahira

0
738

Hogaamiyaha Ururka Xamaas oo gaaray magaalada Qaahira

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ayaa axada maanta ah safar ugu baxay magaalada qaahira ee caasimada masar, halkaasi oo uu kulamo kula ku qaadan doono saraakiil ka tirsan dowlada Masar.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu danbeeyay iyo dadaalada hormarineed ee nabada Falastiin.

Waxaa sidoo kale la filayaa in masar ay gaaraan saraakiil sare oo dhanka siyaasada u qaabilsan ururka Islamic Jihaad oo ka mid ah ururada ka dagaalama dhulka Falastiin.

Xamaas oo haldoor u ah ururada hubeysan ee dagaalka xoogan kula Jira milatariga Israel ayaa kulamo ceynkani oo kale ah waxaa horay ugu casuumay xukuumada Masar, kaasi oo maamulka qaahir uu uga gol leeyahay sidii xalwaara loogo soo dabaali lahaa magaalada Gaza.

Tan jyo sanadkii 2008-da waxaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya Milatariga Isreal iyo ururka Xamaas uu ka taagnaa magaalada Gaza kaasi oo ka dhashay dhul balaarsiga Isreal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here