Sacuudiga oo ka biyo diiday in qaramada midoobay uu kala qeyb qaato baaritaanka dilkii Khashoggi

0
745

Sacuudiga oo ka biyo diiday in qaramada midoobay uu kala qeyb qaato baaritaanka dilkii Khashoggi

Gudiga baarayaasha qaramada midoobay ayaa isaga tagay wadanka turkiga oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen iyadoo aan la ogeyn in haweeneyda u xil saaran arintaan ay ka codsan doonto dalalka ugu quwada badan dunida, in sacuudiga ay ku cadaadiyaan sidii cadaalada loo marin lahaa kuwii dilay Jamal Khashoggi.

Agnes Callamard oo ah madaxa baaritaanka dilalka qarsoodiga ah ayaa oo kulamo la qaadatay wasiirada Turkiga saraakiisha ciidanka iyo xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay warbixintii laga siiyay qaabka loo dilay wariyihii Sacuudiga.

Sida laga soo.xigtay Callamard ayaa sheegtay in Turkiga uu u ogolaaday in loo soo bandhigo cadeymaha uu hayo oo ku saabsan qaabka saxafigan loogu dhex dilay dhismaha Qunsuliyada Turkiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Dhanka kale waxay sheegtay in sacuudiga uusan la jaan qaadin baaritaankan, iyadoo intaa raacisay in hubaanti la,aan looga dhigay in ay wareysato saraakiisha iyo shaqaalaha sacuudiga ee ku sugan dhismaha Qunsuliyada.

Haweeneydaan ayaa dhanka kale qeexday in xukuumada Riyaad ay ka gaabsatay in gasho dhismaha sadexda dabaq ah ee ka kooban tahay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Ugu danbeyn madaxdii iyo saraakiisha Turkiga oo mudada todobaadka ah intii ay ku sugneyd Turkiga ayaa waxay u sheegeen in tuhunka koowaad laga qabo in dilka wariye Jamal Khashoggi uu soo amray dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Wariye Jamal ayaa lagu qaarijiyay 2-dii bishii October dhismaha qunsuliyada oo uu ka doontay warqada cadeyneysa in ay kala tageen afadiisii hore si uu u guursado xaas kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here