Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo Muqdisho u yimid labo arrimood

0
608

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo Muqdisho u yimid labo arrimood

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo wadatashi ah oo taageero loogu raadinayo maamulkiisa cusub.

Lafta Gareen ayaa Muqisho ku yimid booqasho laba maalin ah, isagoo la filayo inuu maanta la kulmo Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed uu kala hadli doono Madaxda dowladda sii deynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, si maamulkiisa uga helo taageero Beesha uu u dhashay wadaadka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu la kulmo Xildhibaanada ka soo jeeda Koofur Galbeed, si ay qeyb uga noqdaan dadaalada lagu sii deynayo Mukhtaar Roobow.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu C/casiis Lafta Gareen uu la kulmi doono Mukhtaar Roobow.

Madaxweyne Lafta Gareen oo todobaadyo ka hor kula kulmay magaalada Baydhabo beesha uu ka soo jeedo Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inuu dadaal u geli doono sidii loo sii deyn lahaa, kalana hadli doono Madaxda dowladda.

C/casiis Lafta Gareen ayaa 19­kii bishii December sanadkii hore 2018 ku guuleystay doorasho buuq badan dhalisay oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

Rabshado ka dhashay xariggii Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo kursiga kula tartami lahaa Madaxweynaha hada ee Koofur Galbeed, ayaa waxaa ku naf waayay 15 qof oo Shacab ah oo uu ku jiray Xildhibaan katirsan maamulka Koofur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here