Xulka Qadar oo ku guuleystey koobka Asian Cup

0
616

Xulka Qadar oo ku guuleystey koobka Asian Cup

Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa ku guuleystey koobka Asian Cup kadib markii ay 3-1 ay ugaga badisay ciyaartii kama dambeysta ahayd xulka Japan.

Ciyaaryahanka asalkiisu yahay dalka Sudan ee Cali ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad ee tartankan oo ka dhacay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaana goolka saddexaad u dhaliyay xulka Qadar Cafif oo ah ciyaaryahan asalkiisu ka soo jeedo dalka Soomaaliya.

Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaarinayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono.

Xulalka wadamada Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo xafiiltamaan dalka Qadar ayaa labadaba waxaa ka badiyay xulka Qadar tartankan iyadoo xulka Imaaradka ay isku arkeen ciyaartii Semi Finalka loogu awood sheegtay 4-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here