Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Madaxweynaha Kenya gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo

0
595

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Madaxweynaha Kenya gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo labada dhinac ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulankan oo ahaa mid qaatay ku dhowaad labo saacadood ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu ahaa mid ay ku keli ahaayeen, iyadoo banaanka looga saaray xubnihii Ra’iisul wasaare Kheyre wehlinyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka gaarka ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre looga hadlayo arrimo kala duwan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa farriin uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ku socoto meel wanaagsan dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xiriirka ay la leedahay Caalamka.

Waxaa uu sheegay in tani caddeyneyso inay mira dhaleyso dadaalada Kenya ee dib u soo Xasilloonida iyo Nabadda Soomaaliya, isla markaana ay Kenya ay sii adkeyneyso taageerida dib u dhiska Soomaaliya

“Waxaan ku faraxsanahay inaan marti-galiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuu isoo gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo oo aheyd mid tacsi ah weerarkii Argagixiso ee Riverside, Labada dal waxay sii wadayaan inay ka wada shaqeeyaan dagaalka lagula jiro argagixisanimada”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweynaha Kenya ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sida muhiim u yahay iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka dhaxeeya dano badan, waxaana labada dal ku muransan yihiin Badda oo ay dacwadooda ka socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here