Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo laga reebay Khudbadaha Caleema saarka Deni.

0
597

Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo laga reebay Khudbadaha Caleema saarka Deni.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame laga reebay dadka khudbadaha ka jeedinaya Caleema Saarka Madaxweynaha 5-aad ee Puntland.

Sabbata ayaa lagu sheegay iney tahay dalab ka yimid dhinaca Madaxtooyada Somaliya, iyadoo SHuruud looga dhigay in Siyaasiga Mucaaradka ah aan wax hadal ah la siin, si Madaxda Villa Somaliya khudbadohooda ay u jeeidyaan.

Madaxweyne Siciid Deni oo markii hore Casuumay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa u bandhigay dalabkaas, Warsame ayaa la sheegay inuu markii danbe ogolaaday, Isagoo ku sugnaanaya hoolka ay ka qabsoomeyso Xaflada Caleema Saarka.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Deni uu ku qanciyay Madaxda Dowlad Goboleedyada ineysan ku dheeraan Khubadaha ay ku ekaadaan oo kaliya mowduuca meesha loo joogo oo ah Caleema saarka.

Si kastaba, lama ogo sida uu xaalka noqon doono, waxeyna dad badan isha ku hayeen hadalka la isweydaarsan doono, maadaama ay xaflada kulmisay; Madaxdii hore ee dalka soo maray, Kuwa hada, Madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here