Turkiga oo ogolaaday in dib loo bilaabo duulimaadyadii diyaaradaha ee magaalada Suleymaaniyah

0
548

Turkiga oo ogolaaday in dib loo bilaabo duulimaadyadii diyaaradaha ee magaalada Suleymaaniyah

Dowlada Turkiga ayaa dib u bilowday duulimaadkii diyaaradaha magaalada Suleymaaniyah ee gobolka Kurdida 16 bilood kadib markii xanibaad ay ku soo rogtay dowlada Turkiga.

Rakaab saarnaa diyaarada Turkish Airlines ayaa sabtida maanta ah ka caga dhigatay garoonka diyaaradaha magaalada Sulaimaniyah.

Agaasimaha garoonka Tahir Abdullah, ayaa sheegay in duulimaadka maalin laha ah ee dib u bilowday ay kor u qaadi doonto dhaqaalaha gobolka,kadib markii uu dowlada Ankara mamnuucday.

Mr Cabdala ayaa intaa raaciyay xanibaada turkiga ay saartay duulimaadyadii diyaaradaha Suleymaaniyah uu garoonka ku lumiyay canshuur dhan $5.4 million.
Mudadii ay taagneyd xanibaada ayaa waxaa ku luntay lacag dhan $15,000 oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here