Kolonyo ciidamo Jabuuti oo wadada loo galay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

0
624

Kolonyo ciidamo Jabuuti oo wadada loo galay deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe gaar ahaan degmada Mahaday ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka socda meel ku dhow deegaanka Fiidow oo qiyaastii 50km ka xigta degmada Jowhar iyadoo dagaalkaana uu dhex marayo ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada dalka Jabuuti iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dhowaaqa hubka la isku ridayo ayaa waxaa laga maqlayaa deegaano ka fogfog halka uu dagaalka ka soconayo oo la sheegay in ay ciidamada AMISOM oo ku sii jeeda degmada Jalalaqsi wadada loo galay.

Ciidamada Jabuti oo saldhigoodu yahay degmada Jalalaqsi ayaa saaka soo gaaaray garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee ciidamadaas soo galaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here