Facebook oo isku dhex dareysa WhatsApp, Instagram iyo Messenger

0
623

Facebook oo isku dhex dareysa WhatsApp, Instagram iyo Messenger

Shirkadda Facebook ayaa damacsan qorshe ay ku dooneyso iney mid uga wada dhigto adeegyadeeda farriimaha la isugu diro ee kala ah Instagram, WhatsApp iyo Messenger-ka, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times.

Inkastoo ay saddexda adeeg wada ahaan doonaan kuwo mid walba uu gaarkiisa u taagan yahay, haddana farriimaha la isugu diro mid ka mid ah ayaa u sii gudbi doona dhammaan kuwa kale.

Mas’uuliyiinta Facebook ayaa BBC-da u sheegay iney howshan ahayd billowga safar horumarineed oo aad u dheer.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mashruuc uu si shaqsi ah u soo hindisay aasaasaha shirkadda facebook Mark Zuckerberg.

Markii la dhameystiro howshan, qofka facebook kaliya isticmaala wuxuu awood u yeelan doonaan inuu farriimo u diro qofka isticmaala WhatsApp oo qura.

Tallaabo noocaas ah ayaan hadda macquul ahayn, maadaama adeegyadu aysan meelna ka xiriirsaneyn.

Howsha ku saabsan in la isku wada xiriiriyo saddexdan adeeg ayaa durba la sii billaabay, sida uu ku warramay wargeyska, waxaana la filayaa in ay soo idlaato daba yaaqada sannadkan 2019-ka ama billowga sannadka xiga ee 2020-ka.

Macluumaadka oo la isla wadaago

Mr Zuckerberg ayaa lagu soo warramay inuu si weyn ugu ol’oleynayo qorshahan mideynta ah, si ay adeegyada hoos taga shirkaddiisa facebook u noqdaan kuwo horumar baaxad leh sameeyay.

Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in tallaabadan lagu kasban karo macaamiil fara badan oo dheeraad ah iyo in dadku ay macluumaadka si sahlan iskula wadaagaan.

Bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta Facebook ayaa lagu yiri: “Waxaan dooneynaa inaan abuurno khibradda ugu wanaagsan ee la iskula wadaago farriimaha iyo macluumaadka, dadkuna waxay rabaan in habka la isugu diro farriimaha uu noqdo mid dhakhso ah, aad u sahlan isla markaana la isku halleyn karo”.

Facebook ayaa u muuqata iney tartan baaxad leh kula jiro hannaanka farriimaha la isugu diro ee shirkadaha Google iyo Apple.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here