Axmed Madoobe iyo Laftagareen oo gaaray magaalada Garowe

0
535

Axmed Madoobe iyo Laftagareen oo gaaray magaalada Garowe

Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Koofurgalbeed Axmed Maxamed Islaam( Axmed madoobe) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Wafdiga ay kala hogaaminayaan labada Madaxweyne ayaa isugu jira Wasiiro, xildhibaano ka tirsan maamuladaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxa ay ka qeybgalayaan caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu goordhow gaaro magaalada Garowe Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Maalinta beri ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland lagu caleema saaro Magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here