Wadahadalada u dhexeeye Mareykanka iyo Talibaan oo wali ka socda dalka Qatar

0
611

Wadahadalada u dhexeeye Mareykanka iyo Talibaan oo wali ka socda dalka Qatar

Waxaa maalintii afaraad galay wadahadalada u socda saraakiil ka socota xukuumada Mareykanka iyo xubnaha dhanka siyaasada u qaabilsan arimaha dibeda dagaalyahanada talibaan ee wadanka Afghanistaan.

Labada dhinac ayaa isku dayay in ay isku soo dhowaadaan si loo soo afjaro colaada 17-sano ee la soo dhaafay ka taagan dalka Afghan ee u dhaxeeya ciidanka shisheeye ee Mareykanka hogaaminayo oo garab siinaya xukuumada kabul iyo dagaalyahanada Taalibaan.

Ururka Taliban ayaa ka biyo diidan in wadahadalada qeyb laga dhigo dowlada waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn dowlad ka jirta dalkaas.

Zalmay Khalilzad oo Mareykanka u matalaya wadahadalka ayaa sheegay in uu rajeynayo in labada dhinac ay iskaga soo dhowaadaan qodobada wali la isku mari la yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here