Dowlada Zimbabwe oo sheegtay in ay baareyso dibadbaxayaal ku dhintay Harare

0
639

Dowlada Zimbabwe oo sheegtay in ay baareyso dibadbaxayaal ku dhintay Harare

Dhowr ruux oo ka mid ahaa dadka dibadbaxa ka wada wadanka Zimbabwe ayaa lagu dilay howlgalada ay wadaan ciidanka booliska sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee ku sugan zimbabwe.

Ciidanka booliska ee ku sugan nagaalada caasimada ah ee Harare iyo magaalada labaad ee Buluwayo ayaa jirdil xoogan u geestay haneenkii xalay ee talaadada aheyd.

Dhanka kale madaxweynaha Zimbabwe Emarson mnangagwa ayaa sheegay in uu baaritaan lagu sameyn doono dhacdooyinkan iyo eedaha loo jeedinayo ciidanka dowlada.

Dibadbaxyada ka socda zimbabwe ayaa madaxa la sii galaya isbuucii sedaxaad waxaana uu yimid kadib markii ay dowlada ku kordhisay canshuur dhan boqolkiiba 150 qiimaha la iibiyo shidaalka taasi oo dhalisay caro xoogan.

Si kastaba ha ahaatee dibadbaxyada wali ka socda dalkaan ayaa waxaa ku dhintay dad badan walow ay dowlada ay wali ka gaabsatay arimahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here