Ghana oo 160 Sarkaal oo Boolis ah u soo direysa Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalka AMISOM.

0
554

Ghana oo 160 Sarkaal oo Boolis ah u soo direysa Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalka AMISOM.

Dowladda Ghana ayaa sheegtay in Ciidan Boolis ah oo dheeraad ah u soo diri doonaan Soomaaliya.

Wafdi ka socda Dalka Ghana ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa Soomaaliya,waxaana ay qiimeyn ku sameynayeen howlgalka AMISOM qeybtiisa Booliska oo ay xubin ka yihiin.

Ghana ayaa qorsheyneysa in 160 Sarkaal oo Boolis ah ay u soo dirto Soomaaliya, si ay u taageeraan howlgalka AMISOM qeybtoosa Booliska ah.

Wafddiga Ghana ka socda waxaa ka koobnaa afar xubnood,waxaana hoggaaminayay Baba Saanid oo ah agaasimaha xiriirka dibadda ee Booliska Dalka Ghana.

Waxaa safarkiisa ku wehliyay Kormeeraha guud ee Booliska Ghana Reginald Osei, ku xigeenkiisa Rose Awah iyo ku xigeenkiisa 2aad Frank Duodu..

Qorshaha lagu kordhinayo Ciidanka Booliska ee AMISOM ayaa qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee amaanka loogu wareejinayo dowladda Soomaaliya laguna dhimayo Ciidanka Milatariga ah ee howlgalka Midowga Afrika.

Sanadkan 2019,waxaa lagu wadaa in dalka Soomaaliya ay ka baxaan 1,040 Askari oo ka mid ah Howlgalka AMISOM qeybtiisa Milatariga ah.

Askartaas ayaa Midowga Afrika waxaa uu sheegay in ay noqonayaan kuwa Burundi waxaana loo qabtay 28ka Bisha February ee soo socota,laakiin dowladda Burundi ayaa diidday in aysan hal mar la baxayn 1,000 Askari iyada oo ku doodday in loo qeybiyo diidday in aysan hal mar la baxayn 1,000 Askari iyada oo ku doodday in loo qeybiyo Waddamada kale ee ay Ciidanka ka joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here