Donald Trump: oo diiday in uu ka laabto ololaha uu ugu Jiro dhisida darbiga Mexico

0
613

Donald Trump: oo diiday in uu ka laabto ololaha uu ugu Jiro dhisida darbiga Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celiyay in uusan ka laaban doonin talaabada uu ku doonayo in uu darbi uga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada New Orleans oo uu ka dhacay kulanka qaran ee beeraleyda ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga mucaaradka ah ee Dimuquraadiga aysan diyaar u aheyn Ansixina miisaaniyada dowlada si Mareykanka uu u noqdo wadan Nabdoon.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa intii uu xilka qabtay waxaa uu galaangal xoogan ugu jiray dhisida darbi ku teedsan xadka kaasi oo uu aaminsan yahay in uu ka horagayo qulqulka qaxootiga ka imaanaya koonfurta Ameerika.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyada oo wali la isku mari la’yahay ansixinta miisaaniyada waxaana Trump uu codsanayaa lacag dhan afar Billion oo ziyaado ka ah miisaaniyada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here