DEG DEG: Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socda Hotel ku yaal Nairobi

0
734

DEG DEG: Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka socda Hotel ku yaal Nairobi

Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah Hotel lagu magacaabo Duset oo ay ku yaaliin xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Al Shabaab ayaa shegtay weerarkaasi waxayna sheegteen rag ka tirsanaa inay gudaha ka dagaalamayaan.

Qof argagaxsan oo ka soo baxay Hotelka ayaa Warbaahinta u sheegay dableyda weerarka gaysatay inay gaarayeen illaa lix ruux oo toogasho ku dhaqaaaqayay.

Ciidamo badan ayaa dhooban Banaanka Hotelka kuwaasi oo la tacaalaya xaaladda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here