Qatar oo sheegtay in aysan jirin sabab ay ku soo celiso xiriirkii ay la laheyd Suuriya

0
580

Qatar oo sheegtay in aysan jirin sabab ay ku soo celiso xiriirkii ay la laheyd Suuriya

Wasaarada arimaha dibeda Qatar ayaa sheegtay in aysan u muuqan xiligan ama aysan jirin baahi ah in ay dib u furaan safaarada ay ku leeyihiin magaalada dimishiq si loo soo celiyo xiriirkii labada dal.

Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani oo shir Jaraa,id maanta ku qabtay magaalada dooxa ayaa sheegay in Qatar wali ay ku taagan tahay go,aanka ay wadamada carbeed ka qaateen Suuriya.

Al-Thani oo sii hadlay ayaa tilmaamay in sanadkii 2011-kii suuriya laga saaray xubinimada dalalka carbeed si looga jawaabo dibad bax looga soo horjeeday dowlada oo isku badalay dagaal sokeeye oo socday 8-dii sano ee la soo dhaafay.

Ugu danbeyn dowlada Qatar ayaa sheegtay in aysan jirin sababo ku riixaya in ay soo celiso xiriirkii suuriya maadama wali ay saaran tahay xayiraada ay saareen dalalka Carabta.

Hadalka ka soo yeeray dowlada Qatar ayaa imaanaya iyadoo wadamada carabta qaarkood ay dib u fureen safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Dimishiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here