Qaramada midoobay: waa ka soo horjeednaa in sacuudiga dil ku xukumo shaqsiyaadka u xiran dilkii Khashoggi

0
573

Qaramada midoobay: waa ka soo horjeednaa in sacuudiga dil ku xukumo shaqsiyaadka u xiran dilkii Khashoggi

Qaramada midoobay ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay xukunka maxkamadeynta ah oo dowlada sacuudiga ay ku dooneyso in ay ku fuliso shaqsiyaad lagu eedeyay in ay ka danbeeyeen dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Afhayeenka qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha Ravina Shamdasani oo Jimcaha maanta ah wax laga weydiiyay ayaa sheegtay in ay tahay arintaan mid aan lagu kalsooneyn.

Shmadasani ayaa intaa ku dartay in marwalba ay ka soo horjeedaan xukunka qaarijinta ah oo ay dowlada sacuudiga dooneyso.

Qaramada midoobay ayaa ugu danbeyn sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in la helo baaritaan madax banaan si loo marsiiyo xukunka shaqsiyaadkii ka danbeeyay dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Saxafigaan ayaa 2-dii bsihii October sanadkii la soo dhaafay ee 2018-da waxaa lagu dilay dhismaha qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here