Masar oo ka dalbatay Tv-ga CBS in uu sii deyn wareysi uu la yeeshay Cabdi Fatax Al-Siisii

0
567

Masar oo ka dalbatay Tv-ga CBS in uu sii deyn wareysi uu la yeeshay Cabdi Fatax Al-Siisii

Dowlada Masar ayaa ka dalbatay warbaahinta CBS in aysan sii deynin wareysi ay ka qaaday madaxweynaha Masar Cabdi Fatax Al-Siisii kaasi oo soconaya mudo 60 daqiiqa ah.

Wareysiga Siisii ayaa uu siiyay CBS ayaa waxaa uu ku beeniyay in ay jiraan siyaasiyiin ka soo horjeeda dowlada oo ku xiran xabsiyada iyo in uu xiriir wada shaqeyn toos ah uu la leeyahay dowlada Israel.

Safiirka masar ayaa waxaa uu u sheegay mas,uuliyiinta Tv-gan in aysan sii deynin wareysiga.

Si kastaba ha ahaatee wareysigaan lala yeeshay madaxweynaha Masar ayaa waxaa la filayaa in Tv-gaan uu sii daayo habeenka axada ah saacadu marka ay tahay 7 fiidnimo xiliga maxaliga ah ee Afrika.

Dowlada Masar oo hogaanka u hayo Cabdi Fatax Al Siisii ayaa lagu eedeyay gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xadgudub loo geestay taagerayaal ka tirsan madaxweyanah sida xooga ah talada looga tuuray ee Maxamed Mursi kaasi oo xabsi ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here