Wareegto Goor Dhawayd Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Waxa Yaabaha Ay Ku Saabsantaay Wareegtadaasi

0
542

Wareegto Goor Dhawayd Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Waxa Yaabaha Ay Ku Saabsantaay Wareegtadaasi

02/01/2019(BNN) WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-249/012019 ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 02.01.2019 Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-38/826/2018, ee ku taariikheysan 30/12/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2019-ka;

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2019-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH/= 2,334,320,463,251 (Laba Tirilyan, Saddex Boqol Afar iyo Soddon Bilyan, Saddex Boqol Labaatan Milyan, Afar Boqol Saddex iyo Lixdan Kun, Laba Boqol Kow iyo Konton Shillin Somaliland ah).

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here