Maxkamada Racfaanka Dubai oo ayyiday 10 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay Axmed Mansuur

0
848

Maxkamada Racfaanka Dubai oo ayyiday 10 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay Axmed Mansuur

Maxkamada racfaanka ee Imaaraadka carabta ayaa ayyiday xukun 10 sano ah oo lagu xukumay Axmed Mansuur oo marar badan ku dhaleeceyay dowlada isaga oo adeegsanaya baraha bulshada,sida ay shaacisay hey,ada Amnesty International.

Mansuur oo injineer dhanka quwada korontada ayaa ciidanka amniga xireen bishii maarso ee sanadkii 2017-dii kadib markii lagu eedeyay in uu mucaaraday xukuumada Dubai.

Waxaa uu ka mid ahaa shan ruux oo ka tirsan ururada bulshada rayidka oo cafis madaxweyne lagu sii daayay sanadkii 2011-kii kadib markii lagu helay in ay ku xadgudbeen maamulka boqortooyada Imaaraadka carabta.

Ugu danbeyn dacwad soo oogayaasha ayaa sheegay in Mansuur oo ah aabe dhalay afar caruur ah uu channel-ka uu ku leeyahay baraha bulshada uu u adeegsanayay warar been abuur ah iyo kala fogeynta midnimada shacabka.

Ugu danbeyn waxaa lagu xukumay in uu bixiyo lacag dhan 270,000 oo ganaax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here