Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday masuuliyiinta dowladda inta doorashada lagu guda jiro

0
592

Puntland oo deeganadeeda ka mamnuucday masuuliyiinta dowladda inta doorashada lagu guda jiro

Puntland ayaa sheegtay in ay mamnuucday inta doorshadu socota shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya sida Wasiirada, Agaasimayaasha ,Saraakiisha ciidanka iyo hawlwadeenada Madaxtooyada.

War ka soo baxay Guddiga amniga doorashada uuna ku saxiixnaa Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad ayaa lagu sheegay go’aankan iyo sidoo kale go’aano kale oo la xiriira doorashada la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019.

Go’aanada ka soo baxay Puntland

1 – In cid aan ahayn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland ee Garowe mudada doorashadu socoto.

2 – Inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay inay soo galaan shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – Inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan garoomada diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gaol Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – In diyaaradaha imaanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo degin garoomada Puntland.

5 – Si loo sugo ammaanka xiliga doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 – Inaan wax agab ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 – Inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal uusan ogeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here