DHACDO XANUUN BAAN : Aroos ayuu geli rabay, qaraxii kowaad ayuu ka badbaaday kii labaad ayuu se ku dhintay

0
677

DHACDO XANUUN BAAN : Aroos ayuu geli rabay, qaraxii kowaad ayuu ka badbaaday kii labaad ayuu se ku dhintay

Feysal Salaad Samow, oo ah 30 jir macallin ka ahaa iskoolka Yaasin Cusmaan ee magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqday qof ay aad u hadal hayaan Soomaalida adeegsata baraha bulshada.

Feysal ayaa ka badbaaday qaraxii kowaad ee sabtidii ka dhacay agagaarka tiyaatarka ee magaalada Muqdisho, hasayeeshee Feyal oo markii uu ka badbaaday qaraxii koowaad bartiisa Facebook-ga ku qoray in uu ka badbaaday qaraxa ayaa daqiiqadi kadib waxaa haleelay qaraxii labaad oo uu ku dhintay.

Wiilkan oo maalin kahor dhimashadiisa loo doonay gabadhii uu noolasha la qeybsan lahaa ayaa taasi waxaa ay isku badeshay murugo, waxaana lagu waday in Feysal uu aqal galo maalinta jimcaha.

.Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionQoraalkii u dambeeyay ee uu Feysal soo dhigo Facebook-ga

Farxaddii Feysal oo isku badeshay tacsi ayaa waxa ka soo qeybgashay gabadhii u doonaneyd.

”Sannadkii 2016-kii waxa dhintay aabihii, walaalkii na waa uu dhaawacmay, hadana waxaa dhintay will Feysal ka yaraa oo askari ahaa, xaas iyo ilmo na lahaa, wuxuu ahaa qofka keliya ee qoyskooda masruufa, waad dareemi kartaa dhibaatadaasi xanuunka ay leedahay”. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Cabdiweli Cumar oo ilmo adeer ay yihiin.

.Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionSawir ay wada galeen Feysal iyo gabadhii u dooneyd

Dadka ku dhintay qaraxyadaasi oo gaaraya 20 qof ayaa waxaa kamid ahaaa weriye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa weriyeyaasha telefishenka Unviersal ee magaalada Muqdisho iyo saddex qof oo iyagu na kamid ahaa howlwadeena telefishenka.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Maxamed Tuulah, waxana sidoo kale ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Inkastoo dadkii ku dhintay qaraxyadaasi la aasay, goobihii burburya na dib u dhis lagu bilaabay ayaa haddana dadka qaar waxaa ay qaraxyadaasi ku noqdeen kuwa lama ilaawaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here