Turkiga oo ku howlan in qaramada midoobay ay qeyb ka noqoto baaritaanka Khashoogi

0
617

Turkiga oo ku howlan in qaramada midoobay ay qeyb ka noqoto baaritaanka Khashoogi

Dowlada Turkiga ayaa ka shaqeyneysa sidii wadamada kale ee caalamka ay uga qeyb qaadan lahaayeen baaritaanka dilka wariyihii sacuudiga ee Jamal Khashoggi sida uu sheegay wasiirka arimaha dibeda Mevlut Cavusoglu.

Kadib shir Jaraa,id oo uu dhigiisa Tunisia kula qabtay magaalada Tunis isniinta maanta ah ayaa waxaa uu sheegay in qaramada midoobay iyo wadamada beesha caalamka ay kala kaashanayaan baaritaanka.

Dhanka kale waxaa uu ugu baaqay dowlada sacuudiga macluumadka ay heyso in ay la wadaagto wadamada caalamka.

Jamal Khashoggi ayaa 2-dii bishii October waxaa lagu dilay gudaha qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul halkaasi oo uu ka doontay warqada cadeyneysa in ay kala tageen xaaskiisa hore.

Dhanka kale dowlada sacuudiga ayaa beenisay in ay ku lug leedahay dilka saxafigaan oo marar badan dhaleeceyay siyaasada boqortooyada.

Si kastaba ha ahaatee baaritaano hordhac oo la sameeyay ayaa sheegaya in uu jiro tuhun ah in dilka saxafigan uu soo amray dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan walow uu beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here