Ciidamada amniga Jaban oo markale xabsiga u taxaabay madaxii hore ee Shirkada Nissan

0
555

Ciidamada amniga Jaban oo markale xabsiga u taxaabay madaxii hore ee Shirkada Nissan

Saraakiisha laamaha amniga Jaban ayaa markale xabsiga dhigay madaxii hore ee shirkada Nissan Carlos Ghosn oo loo heesto musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Xariga Mr Ghosn ayaa noqonaya kii labaad oo mudo sadex isbuuc gudahood ah iyada oo aan si rasmi ah aysan dowlada u xaqiijin sababaha ka danbeeya xarigaan.

64 jirkaan horay u soo maamulay shirkada soo saarta gawaarida ayaa la sheegay in xarigiisa uu la xiriiro in uu ka been sheegay mushaarka uu qaato sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha Jaban isniinta maanta.

Bartamihii bishii November ayey aheyd markii la xiray kadib markii lagu eedeyay in uu si qalad ah u gudbiyay mushaarka uu qaato intii u dhaxeysay sanadkii 2010-ka ilaa 2015-kii.

Dacwad oogayaasha dalka Jaban ayaa waxaa laga yaabaa in ay codsadaan in ninkaan xabsiga lagu sii hayo mudo 22 maalin ah si ay u soo dhameestiraan baaritaanka lagu hayo.

Dowlada Jaban ayaa mr Ghosn horay ugu heysatay in uu si qalad ah u gudbiyo warbixinada sanadlaha ah ee la xiriira daqliga soo gala shirkada gawaarida ee Nisan intii uu ahaa maamulaha shirkadaas.

Taariikhda markii ay aheyd 19 kii bishii November ayey aheyd markii sidan oo kale xabsiga loo dhigay agaasimihii hore ee Nissan mr Greg Kelly oo isna loo heesto musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Inkastoo ay beeniyeen eedeysanayaashan dacwadaha loo heesto ayaa hadane hadii lagu helo waxay muteysan doonaan xarig mudo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here