Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Turkiga

0
710

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacawday Soomaaliya Mehmet Yilmaz, kaasoo bedelay Safiirkii hore Olgen Bekar, kaddib markii ay u dhamaatay muddo xileedkiisa.

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, bogaadiyayna xiriirka taariikhiga ee uu dhexeeya labbada dal ee walaalaha ah, isagoo carabaabay sida uu u tixgelinayo dadaalka Ankara ee xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa carabka ku adkeeyay inuu ka shaqeyn doono danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah si loo xoojiyo, loona horumariyo xiriirka labba geesoodka ah.

Waa safiirkii 3aad ee Turkiga u soo magacaabo Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2011 markii Turkiga bilaabay taageerida Soomaaliya iyo booqashadii u horeysay uu ku yimid Muqdisho Recep Tayyib Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here