Madaxweynaha Kenya oo warqidihiisa Danjirenimo ka gudoomay Safiir Tarsan.

0
609

Madaxweynaha Kenya oo warqidihiisa Danjirenimo ka gudoomay Safiir Tarsan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Muigai Kenyatta, aaya maanta warqadihiisa Safiirnimo ka gudoomay Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), oo noqonaya Safiirka Somaliya ee Wadanka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa Safiirka Tarsan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada guud ee Somaliya iyo sida ay u shaqeyneyso Safaarada Somaliya ee magaalada nairobo oo Safiir la’aan eheyd tan iyo markii Jamaal Maxamed Xasan u soo wareegay Muqdihso.

Safiir Jamaal, ayaa ahaa Mid kamid ah Masuuliyiinta ugu sareysa Kooxdii u ololeyneysay Madaxweyne Farmaajo doorashadii dhacday 8 February 2017, Waxaana markii danbe loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Somaliya, waxaana safaarada Somaliya ee Kenya sii hayay kuxigeenka Wasiir Jamaal.

Si Katsaba, Tarsan ayaa kamid ahaa 17 Safiir oo uu Madaxweyne Uhuru Muigai Kenyatta maanta ka gudoomay warqadohooda Danjirenimo, iyadoo munaasabad weyn lagu qabtay Madaxtooyada Nairobi.

Safiirka Cusub ee Somaliya u fadhinaya Kenya, waxa uu hore u soo nqoday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, isagoo bilihii danbena ahaa La Taliyaha dhinaca SIyaasada ee Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here