Madaxweyne Gaas Oo Soo Gaadhey Magaalada Dhahar Ee Gobalka Sanaag Halka Madaxweyne Biixi Dib Uga Soo Laabtey Ceerigaabo

0
711

Madaxweyne Gaas Oo Soo Gaadhey Magaalada Dhahar Ee Gobalka Sanaag Halka Madaxweyne Biixi Dib Uga Soo Laabtey Ceerigaabo

Dhahar (Dalmar-News):- Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Dhahar oo ku taalla waqooyi galbeed gobolka Sanaag.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yimaado magaalada Dhahar tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa dib ugu soo noqday degmada Ceel-afweyn oo uu hadda ku sugan yahay isaga booqan bariga gobolka Sanaag oo shacab reer Somaliland filayeen in uu booqasho ku tagi doono.

Magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn gobolka Sanaag waxaanay magaalada Ceerigaabo u jirtaa 220 km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here