Sacuudiga oo shirkad Israel ah ka codsaday in laga iibiyo qalab uu ku basaasayo dadweynaha

0
752

Sacuudiga oo shirkad Israel ah ka codsaday in laga iibiyo qalab uu ku basaasayo dadweynaha

Shirkad laga leeyahay dalka Isreal oo ku taqasustay dhanka technology-da ayaa shaacisay in dowlada sacuudiga ay dooneysay in ay ka iibiso qalabka lagula socdo taleefanada ee basaaska.

Sacuudiga ayaa iibka qalabkaan kala hadlay shirkadan bilo ka hor inta saraakiil ka tirsan xukuumada uusan isbadal ku sameyn dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan,sida ay shaacisay majalada Haaretz ee dalka Israel.

Warbixintaan oo maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in kulanka ay heesheen shirkada NSO Group Technologies iyo saraakiil ka tirsan dalka sacuudiga uu ka dhacay bishii June ee sanadkii 2017-dii magaalada Vienna ee caasimada Austria.

Saraakiisha sacuudiga mataleysay ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdulahi Al-Malihi oo u dhow qoyska boqortooyada Turki feysal oo ka mid ah sargaal sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada iyo madaxii hore ee sirdoonka sacuudiga Nasir Al Qaxdaani oo hada ah ku xigeenka laanta sirdoonka.

Sacuudiga ayaa codsatay in shirkadan ay ka iibiso sadex barnaamij oo Software kaasi oo si fudud ku sahlaya in macluumaadka dadka taleefanadooda lagula socdo.

Barnaamij gaar ah ayaa loogu tala galay in link dadka loo diro kadibna sirahooda ay ku fududaaneyso.

Sida lagu sheegay warbixintan uu maanta soo saaray wargeyska Haaretz ma ahan markii ugu horeysay oo labada dhinac ay kulan ka yeeshaan wadahadalo la xiriira arimo noocaan oo kale ah.

Shirkada NSO Group Technologies ayaa saraakiil ka tirsan waxay u sheegeen sacuudiga in arintaan aysan aheyn mid sharci ah maadama lagu dhibaateynayo dadka rayidka ah.

Mas,uuliyiinta ayaa sheegay in barnaamijyada noocaan ah lagu basaaso oo kaliya kooxaha argagixisada balse sacuudiga uu doonayay in uu kula socdo sirta dadweynaha.

Arintaan ayaa noqoneysa fadeexad hor leh oo loo jeediyo boqortooyada sacuudiga oo lagu eedeynayay todobaadyadii la soo dhaafay dilkii wariye Jamal Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here