Gabar soomaali ah oo la aqal gashay kenyan heesta diinta masiixiga oo dhaleeceyn loo jeediyay+SAWIRO

0
1105

Gabar soomaali ah oo la aqal gashay kenyan heesta diinta masiixiga oo dhaleeceyn loo jeediyay+SAWIRO

Soomaalida ku dhaqan dalka kenya ayaa aad u hadal haya gabar soomaaliyeed oo la aqal gashay mid ka mid ah wariye yaasha ka howlgala Tv-ga maxaliga ah ee KTN oo ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee dalkaas.

Wariyahan oo lagu Magacaabo Ben Kitili ayaa guursaday Amina Mudeey hoteel ku yaal magaalada Nairobi kadib xaflad gaar ah oo Jimcihii ay ka soo qeyb galeen labada qoys oo ay ka soo kala Jeedaan Lamaanahan.

Arintaan ayaa waxaa aad uga carooday muslimiinta Kenya gaar ahaan soomaalida oo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah diinta islaamka iyo dhaqan soomaalida.

Arinta kale oo aad loola yaabay ayaa waxay tahay in Amina ay gabar yar oo sadex jir ah ay u dhashay Mr Ben Kitili intii ay saaxiibada ahaayeen.

Dhanka kale waxay ku soo qortay barta ay ku leedahay Facebook in ay tahay doorashadeeda kadib markii ay dad badan ay ku dhaleeceeyeen Arintaan.

Dadyowga kale ee aan islaamka aheyn ee ku nool kenya ayaa arintaan ku tilmaamay mid dhiirri galin u ah is dhexgalka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here