Maamulka Baled Xaawo oo sheegay saddex kun doolar in lagu ganaaxi doono qofkii Garsoor u doonta Shabaab

0
562

Maamulka Baled Xaawo oo sheegay saddex kun doolar in lagu ganaaxi doono qofkii Garsoor u doonta Shabaab

Amar adag ayaa ka soo baxay Maamulka Degmada Baled Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo ku socda shacabka Degmadaasi, gaar ahaan kuwa Garsoorka u doonta deeganada Shabaab ay maamulaan.

Gudoomiyaha Degmadaasi Maxamuud Cismaan Xayd, ayaa Warbaahinta u sheegay in aan la iska yeeli doonin in qof ka baxa Baled Xaawo uu Garsoor u doonto dhulka Shabaab ay maamulaan.

Wuxuu sheegay Maamulka Baled Xaawo iyo Shabaab inuusan jirin wax heshiis ah oo ka dhaxeya, sidaasi awgeedna dadka aysan Garsoor u aadi karin deeganada Shabaabka ay joogaan.

Lacagta ganaaxa, ayaa wuxuu ku sheegay 3,000 (Saddex Kun oo doolar) oo laga qaadi doono qofkii ay ku cadaato in Shabaab Garsoor u doonteen deeganada ay ka maamulaan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.

Dhawaan ayeey aheyd markii Maamulka Degmada Baled Xaawo uu soo saaray amar ah in xaasaska Shabaab ee ku sugan Degmadaasi ay isaga baxaan Baled Xaawo oo ay tagaan deeganada raggooda ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here