Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

0
589

Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose.

Xasan Sheekh oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UDP ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuxigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Xisbigiisa uu xafiis uga furan lahaa iyo la kulanka qeybaha bulshada iyo maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ahaa maamuladii dhismay intii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka hayay, inkastoo caqabad uu kala kulmay dhismaha maamulkaas oo khilaafaad ay hareeyeen bilowga dhismihiisa.

Booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo aaday, xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo aan weli xal laga gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here