Lix ruux oo ku dhintay Dibadbax looga soo horjeedo musuq maasuqa oo ka dhacay dalka Haiti

0
550

Lix ruux oo ku dhintay Dibadbax looga soo horjeedo musuq maasuqa oo ka dhacay dalka Haiti

Lix ruux ayaa ku dhimatay halka ugu yaraan shan kale ay ku dhaawacmeen kadib markii dad ka careysan lacago balaayiin doolar ah oo laga lunsaday qasnada dowlada ay banaanbax ka dhigeen dalka Haiti.

Kumaan ruux oo u dhashay dalkaas ayaa dibad baxyo waaweyn ka dhigay magaalada caasimada ah ee Port-au-Prince,maalinkii shalay iyaga oo dalbanayay in baaritaan lagu sameeyo lacag cadadeedu dhan tahay 3.8 oo bilyan oo doolarka mareykanka oo ka maqan qasnada dowlada.

Lacagtaan ayaa waxaa ugu deeqday wadanka Venezuela waxaana ay qeyb ka tahay barnaamij lagu taageerayo wax soo saarka saliida Haiti.

Dhanka kale madaxweyne Jovenel Moise ayaa ku baaqay wadahal uu la galayo kooxaha mucaaradka oo dalbaday in uu is casilo maadama uu ku fashilmay in uu baaro musuq maasuqan.

Lixda ruux ee dhimatay ayaa waxay qeyb ka ahaayeen dibad baxayaal taayaro ku gubay wadooyinka waaweyn ee caasimada taasi oo keentay in ay isku dhacaan Booliska Haiti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here