Laba ruux oo caawa lagu toogtay magaalada Muqdisho

0
631

Laba ruux oo caawa lagu toogtay magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan ay caawa toogasho ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dableyda ay toogasho ku dileen askarigan oo xilligaasi aanan wadan dareeska ciidanka iyo qof shacab ahaa oo ay ku wada jireen maqaaxi ku taalla meel dhaw isgoyska Fagax.

Askariga oo garaab ahaan goobta looga qaaday ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka la geeyay, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Axmed Nuux.

Ciidanka dowladda oo goobta uu falka uu ka dhacay tagay markii ay baxsadeen dableyda ayaa sameeyay baaritaan aanan cidna lagu soo qaban.

Ragga dilka geystay oo ahaa laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Maalmahan dambe waxaa magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ku kordhay dilalka ay geysanayaan xubnaha ka kala tirsan Shabaab iyo Daacish, kadib markii xalay fiidkii isgoyska Bakaaraha sidan oo kale loogu toogtay askari ciidanka dowadda ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here