Donald Trump oo sheegay in aanu dhageysan doonin cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi

0
718

Donald Trump oo sheegay in aanu dhageysan doonin cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi oo ahaa Saxafi u dhashay Sacuudiga oo bishii October ee la soo dhaafay lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul.

Trump ayaa sheegay codkaas aanu si shaqsi ah u dhageysan doonin, isagoo xusay inuu yahay duubid laga sameeyay cod sakaarad ah, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin aad u fool xun.

“Wax kasta oo cajalka ku duuban waa ogahay, waa duubis laga sameeyay cod sakaarad ah, waana arrin aad u fool xun”ayuu yiri Trump oo wareysi siiyay warbaahinta Fox News.

CIA-da Mareykanka ayaa dhowaan sheegtay in amarka dilka Jamal Kashoggi uu bixiyay Amiirka dhaxalsugaha ah Mohamed Bin Salmaan.

Hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa beenisay sheegashadaas, kuna tilmaamtay wax xaqiiqada ka fog.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in Mohamed Bin Salmaan uu u sheegay in aanu dilkaas waxba ka ogeyn.

Dowladda Turkiga ayaa dhowaan dalalka ay xulafada la tahay la wadaagtay cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi oo lagu dhex dilay dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Isntabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here