Xasan Sheekh oo safaro ku tagayo maamul goboleedyada+UJEEDKA

0
711

Xasan Sheekh oo safaro ku tagayo maamul goboleedyada+UJEEDKA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose, halkaasoo aheyd magaaladii u dambeysay ee uu tago intii aan looga adkaan doorashadii 8 February 2017.

Wafdi horudhac u ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Senator oo ka tirsan Xisbigiisa ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo, si ay u diyaariyaan soo dhoweyntiisa.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo uu bilow u yahay safaro uu ku tagayo xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo aanu wanaagsaneyn xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa maamuladii u horeeyay ee dhismay tan iyo intii uu talada dalka hayay Madaxweyne Xasan Sheekh, hase ahaatee dhismaha Jubbaland ayaa ka mid aheyd caqabadihii dowladdiisa la kulantay sanadkii 2013, taasoo ugu dambeyn keentay heshiis lagu gaaray Addis Ababa in lagu soo afjaro khilaafkii ka taagnaa dhismaha Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhamaadkii bishii Augusto ee sanadkan 18 bilood oo uu dalka ka maqnaa, kaddib doorashadii loogu adkaatay 8 February, waxaa uu tan iyo mudadaas ka waday Muqdisho dhismaha iyo diyaar garowga Xisbi ay ku bahoobeen Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka mid ahaa kuwii ka soo horjeeday in dib loo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here