Boqorka Beelaha Daarood Oo Soo Gaadhey Gobolka Sool Iyo Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweeyay

0
590

Boqorka Beelaha Daarood Oo Soo Gaadhey Gobolka Sool Iyo Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweeyay

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool.

Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tukoraq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil .

Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan .

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo socdaalka boqorka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukumad ahaan kusoo dhoweynayaan boqorka dalka Somaliland ayna la qaban doonaan hawlaha uu u socdo ee Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhowaan Koonfurta gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here