Maraykanka oo dacwado kusoo oogaya aas aasaha barta internet-ka WikiLeaks ee Julian Assange

0
561

Maraykanka oo dacwado kusoo oogaya aas aasaha barta internet-ka WikiLeaks ee Julian Assange

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta internet-ka ee WikiLeaks, Julian Assange.

Mr Assange ayaa sanadkii 2012-kii u cararay safaaradda Ecuador ay ku leedahay London si uu uga baxsado eedaymo waqti dheer loo haystay oo la xiriira xad gudub dhanka galmada ah halkaas ayuuna joogay asagoo cabsi ka qaba in loo gacan galiyo Maraykanka.

Ma cadda waxa ay noqon doonaan dacwadaha uu wajihi doono Mr Assange.

Si kastaba ha ahaatee, baadhitaanka Maraykanka uu wado ee ku aaddan faragalinta Ruushka ee la sheegay in uu ku sameeyey doorashooyinkii Maraykanka ayaa soo jeediyey in WikiLeaks ay sirdoonka Ruushku u adeegsadeen in ay ku faafiyaan macluumaad la jabsaday.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegaya in Ruushku uu uga gollahaa faragalinta doorashada in Donald Trump uu ka caawiyo sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadii 2016-kii. Ruushka ayaase beeniyey dhammaan eedaymahaas.

WikiLeaks ayaa daabacday kumanaan farriimood oo dhanka internet-ka ah oo laga jabsaday xisbiga Dimuquraadiga intii uu socday tartankii madaxtinimada ee u dhexeeyey Mr Trump iyo Hillary Clinton.

Ma cadda in ay jiraan wax dacwado ah oo kadhan ah Mr Assange oo la gudbiyey.

Mid kamid ah qareenada Mr Assange ayaa u sheegay wargayska the Guardian in qof lagu dacweeyo xog sax ah oo uu daabacay ay tahay” waddo halis ah oo kadhan ah dimuquraadiyadda”

” Warka sheegaya in dacwado fal dambiyeed laga gudbiyey Mr Assange waa mid walaac leh oo hawtul hamag ah” ayuu yiri Barry Pollack

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in saraakiisha Maraykanku ay aad ugu kalsoon yihiin in Mr Assange la xiro oo lagu maxkamadeeyo Maraykanka.

Horraantii sanadkan xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Ecuador ay kala hadlayso waxa uu mudan doono Mr Assange.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in aanu u “garaabayn” hawlaha uu wado Mr Assange wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay “dhagax kabahooda galay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here