DAAWO : Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Korneyl Gabre Iyo dowlada Federalkana soo dhoweysay

0
571

DAAWO : Itoobiya Oo Xabsiga Dhigtay Korneyl Gabre Iyo dowlada Federalkana soo dhoweysay

Colonel Gebregziabher Alemseged oo ku magac dheeraa (Gebre Dilla) balse Soomaalidu ay u taqaan Colenel Gabre ayaa xabsiga loo taxaabay goordhow iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan.

Gabre oo hore u ahaa taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya kadibna noqday lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceyriyay bishi June ee sanadkan ayaa loo haystaa dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee  ka dhacay magaalada Jigjiga.

Sidoo kale Colonel Gabre oo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub  qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya.

Dowlada Ethiopia ayaa  dhowaan bilowday inay  sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay iyadoo xabsiga la dhigey saraakiil hore xilal uga soo qabatay ciidamada Ethiopia halka kuwa kalana weli la raadinayo.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay xariga Colenel Gabre waxaana bartiisa Twitterka ku sheegay agaasimaha  warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed in xariga Col Gabre uu yahay mid  muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay in ay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika.

https://www.youtube.com/watch?v=P_WIq96-mQ0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here